Home » Videos » Baaqii ka soo baxay shirka isimada Dhaqanka 2016
Baaqii ka soo baxay shirka isimada Dhaqanka 2016
Shirka madasha wadatashiga dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu ku baaqay in dagaalkii sokeeye uu dhamaaday, haseyeeshee meelaha qaarkood ay kajiraan colaado kooban oo ay tahay in lajoojiyo.
Shirku waxa uu ku baaqay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay yihiin hoggaanka ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay kunoolyihiin, waana soojireen aan dhicin loona baahanyahay in ummadda ay ku hoggaamiyaan caddaalad, sinaan, nabadayn iyo midnimo.
Waa in hoggaanka dhaqanka Soomaaliya ku midoobaan ku dhaqanka shareecada Islaamka oo ay yeeshaan gole dhaqan oo isku xira dhaqanka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.
Waa in ay hoggaamiyayaasha dhaqanku yeeshaan “Dallad” ay ku midaysan yihiin si ay u gutaan hawlaha loo igmaday si hufnaan kujirto iyo caddaalad,
Odayaal dhaqameedka waxay hawlahooda dhaqanka u gudanayaan si waafaqasan Shareecada Islaamka iyagoo la-kaashanaya culimada waxay uga baah daan xagga sharciga Islaamka.
Sida la wada ogyahay qaranimada Soomaaliyeed waxaa burburiyay, “Qabyaalad” ku-baahday bulshada Somaalida dhexdeeda, sidaa daraaddeed waxay ugu baaqeen in ummadda soomaaliyeed ka waantoobaan ku dhaqanka qabyaaladda, iyo quursiga kuna dhaqmaan shareecada Islaamka si ay adduun iyo Aakhiroba liibaan u helaan.