Boqor Burhaan boqor Muuse ayaa booqday naadiga Cuqeyliyiinta ee Qaahira- xarunta taariikhiga ah ee Cuqayliyiinta waxay shaqo bilowday sannadkii 1939-kii.
Booqashada Boqor Burhaan ee xaruntaas taariikhiga ah, waxaa ku weheliyay: Dr. Ashkir Nuur Qodax, Axmed Cali Biixi, Axmed Qodhobo, Eng/ Siciid Shamlaan, Xuseen Warsame ( madaxa ururka ardeyda Africa ee Masar) C/rixmaan Cabdulqaadir iyo aqoonyahanno iyo qaar kaloo ka mida jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.
Ugu horrayn, waxaa madasha boqorka lagu soo dhaweeyay ka hadlay Dr. Ashkir Nuur oo sheegay “ in xiriirkaan uu yahay mid midho dhali doona, labada dal ee walaalaha ahna u noqon bilow faa’iido leh”.
Waxaa kaloo isna madasha ka hadlay Axmed Cali Biixi oo sheegay in ay jiraan dhinacyo kale oo baahi loo qabo in layska kaashado, dhinacyadaas ayuu Biixi ku sheegay: waxbarashada, ganacsiga iyo adkaynta xiriirka labada dhinac.
Xuseen Warsame – oo ah madaxa ururka ardeyda Afrika- ayaa muujiyay inuu ku faraxsanyahay kulanka taariikhiga ah, isagoo hoosta ka xariiqay inay tahay in laga wada shaqeeyo horumarinta dhimacyada kor-u-qaadida wacyiga bulshada.
Cabdirixmaan Cabdulqaadir ayaa isaguna kalmaddiisa ku sheegay in loo baahanyahay xoojinta xiriirka labada dhinac iyadoo loo marayo tubta iskaashiga iyo adkaynta xirriirada soo jireenka ah.
Ugu dambayn, boqor Burhaan ayaa ka hadley meelo kala duwan; isagoo is dul taagay muhimadda ay leedahay in reer Cuqayl ay isku xirnaadaan.
Wuxuu boqorku hadalkiisii ku yiri :” xogta aad ka haysaan walaalihiin Daarood waa mid i farxad galinaysa, geedka abtirsiga ee aad ii soo bandhigteenna waa daliil muujinaya sidaad u kaydiseen taariikhda”.
Gunnaanadkii kulanka, waxaa boqor Burhaan la guddoonsiiyay Kitaabka Jaamaca ah oo loo daabacay si tajwiidka qaabilsan, iyo shahaado sharaf dhawr ah buug taariikhi ah oo ka warramaya abtirsiga “ Cuqeyliyiinta” wuu guddoomay boqorku iyo sidoo kale haddiyado gali doonta kaydka taariikhda ee xarunta dhaqanka Daarood ee Qardho.