بسم الله الرحمن الرحيم
Waxaan si sharaf iyo qadarin leh u soo dhaweynayaa booqashadii Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ku tegey gobolka Sool, taas oo lahayd muhimad gaar ah. Sidoo kale waxaan soo dhaweynayaa in Dowladda Federaaku, maamulka SSC Khaatumo u aqoonsatey Dowlad goboleed ka mid ah mamalada dalka ka jira, taas oo muhimad u leh midnimada iyo horumarka SSC iyo guud ahaan dalka.
Bishii Febaraayo 2023 markii ay ku dhawaaqeen in ay yihiin maamul gaar ah, ayaan soo dhaweeyey oo la qaatey go’aankaas ay gaareen, Waxaan mar kale ku hambalyeyn dhamaystirka uu sameeyey Raysalwasaaruhu iyo war-murtiyeedka ka soo baxay Laascaanood 15/04/2025 ee lagu caddeeyey in SSC-Khaatumo ay yihiin Dowlad goboleed.
Waxaan ku baaqayaa in nabad lagu wada noolaado, la ilaaliyo derisnimada iyo ehelnimada ka dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed dhinackasta oo ay joogaan.
Wabillaahi Towfiiq.