Bismillaahi
Waxaa ayaan darro ah in xiligan meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya ay ka socdaan dagaalo dad badan ku nafwaayeen. Ma jiro denbi ka weyn oo allaah laga galo marka laga yimado shirkiga in la dilo qof muslim ah weliba xaqdarro lagu dilo. Waxaan ka xumahay colaadda ka cusboonaatey mar kale gobolka Mudug gaar ahaan deegaanada ku dhaw Gal-dogob.
Waxaan ku baaqayaa in colaada la joojiyo rabbi loo noqdo, si kasta oo la isu-dilo mar ka danbe waalaga heshiinayaa sidaas darteed yaan xabaalaha badin oo aakhirana la seegin, rabbi haloo noqdo.
Waxaan ugu baaqayaa cidkasta oo gacan ka geysan karta in colaada ka socota Gobolka Mudug la joojiyo.
Sidoo kale dhamaan meelkasta oo colaadi ka jirto geyiga Soomaaliya waxaan ku baaqayaa in la joojiyo, dhiigana faraha lagala baxo.
Waxaan rabbi ka baryayaa in uu colaada, abaarta iyo fakhriga uu ka dulqaado ummadda Soomaaliyeed, dantooda garansiiyo, quluubtoodana isu jeediyo aamiin.
Wabillaahi towfiiq
Boqor Burhan Boqor Muuse