Boqor Burhaan oo Booqday Xarunta Cuqayliyiinta ee Masar.

Boqorka Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa booqday magaalada “Mansh’at Abuu Cumar” ee ku taal degmada Xuseeyniya ee gobolka Bari ee dalka Masar, kadib markii Qabiilka Cuqeyliyiintu ay casumaad u fidiyeen Boqorka.

“Mansha’at Abuu Cumar” waa dagaanka rasmiga ah ee qabiilka “Cuqayliyiinta” oo ay beesha Daarood Ismaaciil Jabarti, kuwada abtirsadaan Cuqeyl bin Abudalib.

Waxaa boqorka booqashadiisa ku weheliyay ma’uuliyiin ka soo jeeda beesha Daarood oo ay ka mid yihiin Dr. Ashkir Nuur Qodax, Axmed Qablan, Dr Cabdirisaaq Muuse, Axmed Biixi, Eng. Siciid Axmed Daad, Xaaji Axmed Qodhobo, sidoo kale waxaa ka mid ahaa wefdiga aqoonyahanno, ganacsato, qurba joogta iyo Jaaliyadda Soomaalida ee dagan dalka Masar.

Booqashada boqorka ee qabiilka “Cuqayliyiinta” ayaa ahayd mid si heer sare loo diyaariyay; iyadoo boqorku uu kala kulmay halkaas marxabayn aad u sarreysa.

Dr. Ashkir ayaa ugu horrayntii tilmaamay inay muhiim tahay in xiriirka la adkeeyo, dalka Masarna uu yahay dal muhiim-u-ah Soomaaliya; loona baahanyahay in la xasuusnaado waxtarkii Masar ee Soomaaliya.

Axmed Qablan oo ka yimid dalka Kuwait ayaa isaguna xusay in kulankaan Cuqayliyiinta uu yahay madal ay ku kulmeen dad abtirsigoodu mid qudh ah yahay.

Dr. Cabdirisaaq Muuse Barre ayaa isagu ku dheeraday muhimadda xiriirka labada qabiil ee hayb wadaagta ah. Wuxuuna sheegay “in munaasabadda kulankaan uu yahay mid taarikhi ah, kuna soo beegmay xilli muhimmad gaar ah leh”.

Ugu dambayn, Boqor Burhaan ayaa madasha kulanka ka jeediyay kalmad meelo farabadan taabatay, wuxuu Boqorku ku dheeraday xiriirka soo jireenka ah ee durriyadda Cuqayliyiinta. Isagoo xusay in kulankaan maanta uu yahay mid taarikhi ah, kuna soo beegmay xilligiisii.

Boqor Burhaan ayaa kalmaddiisii ku sheegay in dalka Masar uu yahay dal Soomaaliya la walaal ah, umadda Islaamkana u ah udub-dhexaad.

Boqorka ayaa kalmaddiisii ku soo gunnaanaday “ waxaan halkaan kaga dhawaaqayaa in la dhiso guddiyo ka shaqeeya isku xirka, qoridda sooyaalka, iskaashiga iyo kor-u-qaadidda xiriirka labada dhinac.

Xafiiska Baahinta ee Boqor Burhaan Boqor Muuse
Website: https://boqorburhan.org
X (Twitter): https://x.com/kingburhaan
Youtube: https://www.youtube.com/@BoqorBurhan

[instagram-feed feed=1]

Xafiiska Baahinta ee Boqor Burhaan Boqor Muuse
Website: https://boqorburhan.org
X (Twitter): https://x.com/kingburhaan
Instagram: https://www.instagram.com/boqorburhanmuuse/
Youtube: https://www.youtube.com/@BoqorBurhan