Baaqii ka soo baxay shirka isimada Dhaqanka 2016

  1. Shirka madasha wadatashiga dhaqanka Soomaaliyeed wuxuu ku baaqay in dagaalkii sokeeye uu dhamaaday, haseyeeshee meelaha qaarkood ay kajiraan colaado kooban oo ay tahay in lajoojiyo.
  2. Shirku waxa uu ku baaqay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay yihiin hoggaanka ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay kunoolyihiin, waana soojireen aan dhicin loona baahanyahay in ummadda ay ku hoggaamiyaan caddaalad, sinaan, nabadayn iyo midnimo.
  3. Waa in hoggaanka dhaqanka Soomaaliya ku midoobaan ku dhaqanka shareecada Islaamka oo ay yeeshaan gole dhaqan oo isku xira dhaqanka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.
  4. Waa in ay hoggaamiyayaasha dhaqanku yeeshaan “Dallad” ay ku midaysan yihiin si ay u gutaan hawlaha loo igmaday si hufnaan kujirto iyo caddaalad,
  5. Odayaal dhaqameedka waxay hawlahooda dhaqanka u gudanayaan si waafaqasan Shareecada Islaamka iyagoo la-kaashanaya culimada waxay uga baah daan xagga sharciga Islaamka.
  6. Sida la wada ogyahay qaranimada Soomaaliyeed waxaa burburiyay, “Qabyaalad” ku-baahday bulshada Somaalida dhexdeeda, sidaa daraaddeed waxay ugu baaqeen in ummadda soomaaliyeed ka waantoobaan ku dhaqanka qabyaaladda, iyo quursiga kuna dhaqmaan shareecada Islaamka si ay adduun iyo Aakhiroba liibaan u helaan.
  7. Waxay ugu baaqeen hoggaamiye dhaqameedka dhammaan ummadda Somaaliyeed “Nabadgalyo” nabadda waa furaha nolosha iyo jiritaanka ummadda, sidaa daraadeed waa in si wada jir ah looga wada shaqeeyo sugidda nabadda iyo xasiloonida.
  8. Waxaan ku baaqaynaa in lahelo “Caddaalad” si loo helo sinaan iyo midnimo loo dhanyahay.
  9. Waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqaynaa in musiibooyinka aafeeyay oo ka mid yihiin Tahriibta, xaalufka badda iyo biriga, nabaad guurka, maanddooriyayaasha in si wada jir ah looga hortago si loo-cirib-tiro.
  10. Waxaan ugu baaqaynaa beeshaa caalamka iyo hay’adaha inay gacan kasiiyaan Dawladda Soomaaliya sidii ay u ilaalin lahayd khayraadka dalka Badd iyo Biriba.
  11. Hogaanka dhaqanka Soomaaliyeed waxa uu u mahadcelinayaa doorka wax ku oolka ahaa oo beesha caalamka ay kaqaadatay dib usoo noolaynta qaranimada somaaliyeed iyo kaalmadii bini’aadantinimo oo ay u fidiyeen ummada soomaaliyeed waxaana laga codsanayaa inay siiwadaan kaalmada si loogaaro qaranimo buuxda.